Wasaradda Deegaanka Puntland oo Garowe ku qabatay shir looga hadlayo dardar-gelinta xeer dhaqameedka Deegaanka

Garowe(Puntland Post) Wasaradda Deegaanka daaqa,duurjooga iyo dalxiiska Puntland ayaa maanta oo Isniin ah magalada Garowe ku qabatay shir looga wadatashanayo dardargelinta xeerdhaqameedka ilaalinta deegaanka,waxaana kasoo qayb galay madax dhaqameedka, dhalinyarada,haweenka, madaxda gobaladda iyo saraakiil ka socda hay’adda ADDESO.

Shirkan wasaraddu qabatay ayaa looga dan lee yahay sidii wada-jir looga qayb qaadan lahaa dadaalada wasaradda deegaanku ku ilaalinayso deegaanka iyo duurjoogta,maadama dhibaatooyin kala duwan lagu hayo deegaanka gaar ahaan dhirta dhuxusha laga sameeyo.

Gudoomiyaasha gobaladda Sool,Sanaag iyo Karkaar ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii mar walba looga shaqayn ilahaa ilaalinta deegaanka, shirkan wadatashi wixii kasoo baxanaya ay dib ugu celin doonaan deegaanadii ay ka yimaadeen si loo dhaqan galiyo.

Kasoo qayb galayaasha shirka ayaa loo qaybiyay afar kooxood kuwaasoo ka doodaya saacadaha soo socda afar qodob oo kala ah, 1.Sababaha keena xaalufinta deegaankeena, 2.Muhiimada xeer dhaqameedku u lee yahay ilaalinta iyo badbaadinta deegaanka iyo siyaabaha loo dhaqangelin karo, 3.dowrka dhalinyaradu ka qaadan araan ilaalinta iyo dhowrista deegaanka iyo dowrka haweenku ka qaadan karaan ilaalinta iyo dhowrista deegaanka.

Wasiirka Deegaanka Puntland Mudane Cali Cabdilaahi Warsame ayaa sheegay shirkan inuu ahmiyad weyn u lee yahay maadama loo fadhiyo sidii looga wada tashan lahaa dib usoo nooleynta xeer dhaqameedka deegaanka, wuxuuna sheegay shacabka iyo madax dhaqameedkooda in looga baahan yahay inay qaybtooda ka qaadan lana ilaaliyo deegaanka, wasiirka waxa kale uu sheegay inay hadda wadaan dadaalkii lagu samayn lahaa haamaha shidaalka si dhammaan looga kaaftoomo baahida taagan ee dhuxusha bedeli karta.

Arrimaha kale uu wasiir Warsame ka hadley ayaa ka mid ahaa hirgalinta ciidan gaar u ilaaliya deegaanka, wuxuu sheegay nidaamkooda in lasoo dhamaystiran kaliya madaxda Booliska laga sugayo inay fulinta ku dhaqaaqaan, ciidankaasi ayuu sheegay inay noqon doonaan kuwo guur gaaro oo ka jawaaba hadba meelaha dhibaatooyinka deegaanka laga wado.

Shirka oo socda ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo caawa fiidkii, kaasoo lagu shaacin doono waxyaabaha la isku raacay ee lagu dabaqayo dadaalada lagu ilaalinayo deegaanka.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22
Cali Cabdi Ducale
PUNTLAND POST