Gudoomiyihii hore ee Gobalka Mudug oo Puntland ka asaasey shirkad dadka dalxiis geysa

Garowe(Puntland Post) Gudoomiyihii hor ee Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa markii ugu horaysay Puntland ka hir galiyay shirkad dalxiis oo ugu magac daray Magool, taasoo uu ku sheegay in dalxiisayaasha Soomaalida iyo ajaanibka loogu talo galay.

Tigey oo ku caan baxay inuu dadka usoo gudbiyo dhulka quruxda baddan ee Soomaaliya ayaa ku sheegay sababta uu shirkaddan Dalxiis u aasasey ay tahay sidii loo heli lahaa kalsooni baddan oo dalka lagu joogo maadama boqalaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah ay bil kasta waddankooda ka cararaan iyagoo door biday dhal-dhalaalka dalalka kale inay dhaayahooda kusoo arkaan.

Gudoomiyaha shirkadda Dalxiiska iyo deegaanka Magool Maxamed Yuusuf Jamac Tigey ayaa sheegay dalxiiska ugu horeeya inuu bilaabi doono ciida, isagoona sheegay inuu ku bilaabayo degmada Taariikhiga ah ee Eyl oo ka tirsan Gobalka Nugaal, dadka ayuu sheegay iney heli doonaan addeeyo jiif,cunto iyo dal barasho isagu jira.

”Asxaabta sharafta leh waxaan ugu bishaaraynayaa inaan u diyaariyay shirkadda dalxiiska iyo deegaanka Magool, waxay idiin diyaarisay inaad ku dalxiistid ku nasatid daafaha Puntland xeebaha buuraha beeraha goobaha taariikhiga ah iyadoo Shirkaddu kuu diyaarinaysay Safarro dalxiis oo ka kooban gaadiid goobihii Jiifka iyo cuntada iyo nasashada iyo dalyaqaanno ku geeya goobo aad ku farxi doontid wada shaqayn wacan” Tigey ayaa sidaasi yiri.

Waa markii ugu horaysay oo shirkad Dalxiis laga hirgaliyo Puntland, iyadoona dadwaynaha ku nool Puntland ay soo dhaweeyeen tilaabadan uu qaaday Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey).
3

4

5

6

7

1

2
PUNTLAND POST