Xoghayaha ururka suxufiyiinta NUSOJ oo la kulmay wariyaasha ku sugan magalada London

London(Puntland Post) Xoghayah guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliya NUSOJ Mudane Maxamed Ibraahim Macalimuu oo maalmahan ku sugnaa waddanka Ingiriiska ayaa xalay magalada London kula kulmay wariyaasha Soomaaliyeed ee halkaasi ka howlgala.

Kulanka ayaa isagu jiray mid lagu soo dhawaynayo Macalimuu iyo mid looga xog qaadanayo Xoghayaha xaalada waddanka iyo shaqooyinka culus ee horyaala ururka.

Cabdiweli Ibraahim Garyare ayaa sheegay kulanka in badankiisa lagu falanqeeyay sidii wariyaasha ku nool qaarada Yurub ula shaqayn lahaayeen madaxda cusub ee NUSOJ isla markasna u muujin lahaayeen garab istaagooda sidoo kale waxaa si ballaaran looga hadlay xaalada wariye Cabdirisaaq Black oo aan weli kasoo kabsan dhaawac kasoo gaaray magalada Muqdisho, wariyaashu waxay isku raaceen in arrintaasi loo istaago maadama balanqaadkii madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud sameeyay uusan weli oofin.

Xoghaye Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa u mahad celiyay wariyaashii isku howlan qabsoomida kullankan oo wax badan la isku weydaarsadey, wuxuuna dhankiisa balan qaaday inuu si howlkarnimo ku jirto ugu shaqayn doono wariyaasha Soomaaliyeed ee xaalada adag ugu shaqaynaya umadda.

”Kulan muhiim ah xalay la qaatay wariyayĆ asha Soomaaliyeed ee UK . Waxaan uga mahad celineysa soo dhaweynta ballaaran oo ay u muujiyeen hogaanka cusub ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Waxaanan wariyayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baqayaa Midnimo iyo Talo wadaag”

”Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa saaxiibkeey Abdiweli Ibrahim Garyare oo inooga yimid Netherland , iyo Eng Abdirahman Omar Osman Yarisow iyo sidoo kale dhamaan Saxafiyiinta qaaliga ah ee waqtigooda u soo huray kulanka caawa iyo inta soo qabanqaabisayba”.

Madaxda ururka NUSOJ oo doorasho si weyn loosoo qaban qaabiyay lagu doortey ayaa durba bilaabay howlaha shaqo ee ururka,waxayna ku sheegeen inay tahay mid cadeyn wada shaqaynta wariyaasha iyo madaxdooda.
13532937_1179129822105689_3230392600223554499_n

13524541_1179129308772407_2030397750095771831_n

13516680_1179129615439043_3193378914180105639_n

13516368_1179129352105736_4143245695008465319_n

13508879_1179129435439061_4471861412371951497_n

13507277_1179129878772350_5309513502342300443_n

13495329_1179129568772381_8327262796330523720_n

13494815_1179129235439081_257129632077687228_n
PUNTLAND POST