Xildhibaan ka tirsan gollaha deegaanka Gaalkacyo oo caawa lagu dilay magaaladaas

Gaalkacyo(Puntland Post) kooxo hubaysan ayaa goor dhawayd xaafada Garsoor ee magalada Gaalkacyo ku dilay Allaha u naxariistee Siciid Xayle oo ka tirsanaa Gollaha deegaanka.

Dilka Xildhibaan Xayle ayaan la aqoon ilaa iyo hadda cida ka danbaysa,waxaase goobta gaaray ciidanka ammaanka Dawlada Puntland ee magaalada Gaalkacayo.

Waa masuulkii saddexaad oo Ramadaanka dhexdiisa lagu dilo magalada Gaalkacyo, horay waxaa loogu dilay gudoomiyihii ururka haweenka Gobalka Mudug iyo wakiilkii wasaradda Qorsheynta ee Gobalka Mudug.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid losoo qabtey dilalka masuuliyiintan bil gudaheed lagu dilay magalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas inuu kala dirayo gollaha deegaanka Gaalkacyo.

PUNTLAND POST