Radio Daljir oo weli hawada ka maqan iyo shacabka oo xukumadda ugu baaqay inay siidayso idaacadaasi

Garowe(Puntland Post) Idaacadda Daljir ayaa maalinkii afaraad hawada ka maqan, ka dib markii Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland ku amray mamulka idaacadda inay damiyaan xarumahooda Garowe,Bosaso iyo Gaalkacyo.

Maxamed Cabdilaahi Cali Kooshin oo ka tirsan Radio Daljir ayaa sheegay iney welwel cabsi ah weli dareemayaan maadama aysan ilaa iyo hadda aqoon sababta ay idaacaddu ku xiran tahay, sidoo kale waxa uu sheegay inay xaalad kale galisay hanjabaadii wasiirka warfaafinta kasoo baxday ee ahayd inuu wariyaasha dilayo.

Shacabka Puntland oo ka qayb galay barnaamij ay maanta qabatay Radio Garowe ayay ku sheegeen inay tahay wax laga xumaado caburinta lagu hayo warbaahinta madaxa banaan, waxay ka dalbadeen dowladda in la fasaxo Radio Daljir oo Bisha Ramadaan qaban jirtay barnaamijka Tartan iyo tacliin oo ay ku kulmi jireen iskuulada ku yaala deegaanada Puntland.

Ururka suxufiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ, ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP, Daladda ururada bulshada ee PUNSAA iyo xafiiska Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa si isku mid ah uga hadlay caburinta lagu sameeyay Radio Daljir iyo hanjaabada wasiirka warfaafinta, waxayna dhammaantood dalbadeen in la ilaaliyo xorriyada hadalka iyo sharuucda wadanka.

PUNTLAND POST