Seynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye) oo isku sharaxday xubin barlamaan oo Soomaaliya ah

Gudoomiye ku xigeenka dallada ururada bulshada rayidka ah ee Puntland PUNSAA, Seynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye) ayaa ku dhawaaqday inay tahay musharax u taagan xubin kamid ah barlamaanka federalka Soomaaliya.

Munaasabad ay ku shaacinaysay musharaxnimadeeda ayay Seynab Ismaaciil xalay ku qabatay magaalada Garowe, waxaana kalaso qeyb galay masuuliyiin katirsan dowladda Puntland oo isugu jiray wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal. Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay ururada haweenka iyo aqoonyahano.

Gudoomiyaha ururka haweenka Puntland Khadro Warsame Jaamac ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in Seynab Ismaaciil iskusoo taagto xubin xildhibaan, iyadoo ku ammaantay inay tahay qof uqalma booskaas oo lagu aamini karo dadka iyo dalka, waxayna balanqaaday inay ku taageeridoonaan sidii ay uga guul gaari lahayd hamigeeda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) oo kamid ah barlamaanka Puntland ayaa sheegay inuu aqoon durugsan u leeyahay Seynab Ismaaciil iyo doorka ay bulshada kaga jirto, isagoo qiray inaanu jirin cid maanta kaga mudan in lagu taageero xilkaan, wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay dad iyada lamid ah inay u tartamaan masiirka Soomaaliya, si loo helo xildhibaano qaran oo u adeegaya danta bulshada ay ka yimaadeen.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Puntland Muno Daahir Dalmar ayaa sheegtay iyadoo ku hadlaysay afka jiilka dhalinyarada ah ee dowladda ku jira inay soo dhoweynayso cid walba oo tayo leh oo bulshada wax usoo qabatay sida Seynab oo kale, waxayna cadeysay inay hiil iyo hool ay la garab taagan yihiin sidii Seynab iyo dadka lamid ah siyaasada Soomaaliya ugasoo dhex muuqan lahaayeen.

Musharax Seynab Ismaaciil Maxamed oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa u mahad celisay dhammaan dadkii ku dhiiri geliyay inay iskusoo sharaxdo jagadaan iyo kasoo qeyb galayaasha xaflada. Seynab waxay sheegtay sababta ay isugusoo sharaxday xilkaan inay tahay dhowr arrimood oo kala ah, inay kor u soo qaado xuquuqda haweenku ku leeyihiin wadanka, inay ka shaqeyso sidii loo heli lahaa xuquuqda Puntland ku leedahay dowladda federalka Soomaaliya iyo inay noqoto xildhibaan ku shaqeeya talada shacabka reer Puntland lagalana xisaabtamo wixii loo dirsaday.

Seynab Ismaaciil waxay sheegtay inay toban sano in ka badan kasoo shaqeynaysay horumarnta arrmaha bulshada, islamarkaana ay lasoo shaqeysay hay’addo caalamiya iyo kuwo maxali ah iyo dowladda laamaheeda qeyb kamid ah, waxayna intaas ku dartay inay waxbarashadeeda inta ugu badan ay kasoo qaadatay dalka gudihiisa, marka laga reebo shahaadada labaad ee Masterka oo ay kusoo diyaarisay Maleysia.

Wasiirka haweenka dowladda Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo ugu dambayn ka hadasay xaflada ayaa sheegay Seynab Ismaaciil inay ugu tirsan tahay gabadhaha reer Puntland ee u ordaya siyaasada islamarkaana tusaale u noqondoona haweenka Puntland iyo bulshada ay kasoo jeedo.

Wasiirka haweenka ayaa ku baaqay in la taageero Seynab Ismaaciil iyo hamigeeda siyaasadeed, waxayna bulshada ay kasoo jeeda ka codsatay inay kalsooni siiyaan oo ay ku aaminaan inay matali karto dadkeeda iyo dalkeeda.

Dadkii kasoo qeyb galay xafladaan ayaa dhammaantood si buuxda u taageeray Seynab Tiimbiye, iyagoo si guud ugu baaqday waxgaradka iyo Isimada beesha Seynab inay taageeraan codigooda ah in musharaxada noqoto matalaha dadkeeda.

Daawo Sawiradda

_DSC6356

_DSC6359

_DSC6360

_DSC6363

_DSC6377

_DSC6379

_DSC6380

_DSC6385

_DSC6388

_DSC6393

_DSC6395

_DSC6399

_DSC6400

_DSC6402

_DSC6403

_DSC6404

_DSC6405

_DSC6406

_DSC6407

_DSC6408

_DSC6410

_DSC6411

_DSC6414

_DSC6416

_DSC6421

_DSC6422

_DSC6426

_DSC6428

_DSC6436

_DSC6437

_DSC6438

_DSC6439

_DSC6441

_DSC6447

_DSC6453

_DSC6462

_DSC6472

_DSC6476

_DSC6479

_DSC6482

_DSC6491

_DSC6492

_DSC6503

_DSC6505

_DSC6509

_DSC6510

_DSC6515

_DSC6516

_DSC6517

_DSC6518

_DSC6519

Puntlandpost.com