Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo dhagax dhigay xarunta naafada Puntland

Garowe(Puntland Post) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta oo Sabti ah dhagax dhigay xarun loogu talo galay dadka naafada ah ee ku nool Puntland taasoo ku dhow xarunta wasaradda arrimaha gudaha.

Munaasibadda dhagax dhiga xaruntan cusub waxaa goobjoog ahaa madaxwayne ku xigeenka, wasiirka haweenka, wasiirka howlaha guud, agaasimaha daryeelka bulshada iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha hay’adda daryeelka bulshada Axmed Maxamuud Muuse ayaa sheegay xaruntan inay ahmiyad weyn ugu fadhido maadama lagu xanaaneynao dadka naafada ah ee ku nool deegaanada Puntland.

Wasiirka haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin ayaa sheegtey inay ku faraxsan tahay taageerada dhismaha ee ay dowladda Qadar siisey, waxa kale ay sheegtey wasiir Aniso iney lama huraan tahay in dadka naafada ah loo helo goob lagu xaneenayo oo loogu soo hagaago, madaxwayne ku xigeenka iyo masuuliyiintii kale ee kasoo qayb galay ayay u mahad celisay.

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa dowladda Qadar uga mahad celiyay dhaqaalaha ay ku bixisay dhismaha xaruntan oo loogu talo galay dadka naafada ah, waxa kale uu Eng.Camay sheegay in mar walba ay ka go’an tahay sidii wax loogu qaban lahaa dadka naafada ah.

Engineer Mukhtaar Cabdirisaaq Yuusuf oo ka tirsan hay’adda Bisha Cas ee Qadar ayaa sheegay dowladda Qadar inay mar walba garab istaagayso dadka naafada ah ee ku nool Soomaaliya, waxa kale uu sheegay dhismahan inay ugu talo galaan dadka naafada ee ku nool deegaanada Puntland.
0J1A6919

0J1A6920

0J1A6921

0J1A6922

0J1A6923

0J1A6924

0J1A6925

0J1A6926

1

2

3

4

5

6
PUNTLAND POST