Gudoomiyaha PUNSAA oo wax laga xumaado ku tilmaamay xariga Daljir iyo caburinta saxaafada

IMG_0321Garowe(Puntland Post) Daladda ay ku midaysan yihiin ururada aan dowliga ahayn Puntland ee PUNSAA ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay xayiraada ay dowladdu ku soo rogtey Radio Daljir iyo caburinta saxaafada madaxa banaan.

Nuur Shire Cimsaan oo madax u ah PUNSAA ayaa sheegay Saxaafadu iney macno weyn ugu fadhido bulshada isla markasna ay shacabku ka helaan warar,aqoon iyo wacyi galinta, wuxuu hadalkiisa ku daray xariyaarada saxaafada la saaro inay shacabka ku waayayaan xogta dalka iyo caalamka.

Gudoomiyaha PUNSAA ayaa dowladda ugu baaqay iney ogolaato xorriyada saxaafada isla markasna waxay qoonsato si hufan sharciga u marayso, sidoo kale suxufiyiinta ayuu sheegay inay dhowraan anshaxa saxaafada una hogaan samaan sharciga dalka.

Hadalka Nuur Shire Cismaan ayaa kusoo aadaya xilli dowladdu hawada ka saartay Idaacadda Daljir oo aan ilaa iyo hadda dowladdu cadeyn sababta ay u haysato.

Xariga Idaacadda Daljir sidoo kale waxaa ka hadlay Xafiiska Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, isagoona ku baaqay in deg deg loosii daayo idaacaddaasi.

PUNTLAND POST