Culimadda Puntland oo xal ka gaaray xiisadii ka taagnayd Carmo

Garowe(Puntland Post) Culimadda Puntland ayaa ku guulaystay iney damiyaan xiisadii ka dhalatay ciidan uu watay Cabdisamad Maxamed Gallan oo uu lasoo aaday degmada Carmo ee Gobalka Beri, kaddib markuu sheegay inuu bad baadinayo Puntland.

Shir ay culimadu ku qabteen Carmo ayaa waxaa kasoo baxay afar qodob oo kala ah in Bacdal ciid la isigu yimaado gogol lagaga arrin sanayo xaalada taagan waxaana shir gudoominaya culimadda 13 -7- 2016. In Ciidamada la kala qaado. In la joojiyo hadalada xanafta leh ee warbaahinta la isku marsiinayo iyo in la dhaqan galiyo heshiiska.

Culimadda arrintan u kacdey ayaa weli wada dadaalo nabadeed oo arrinta taagan lagu joojinayo.

Dhinaca kale odayashii iyo Isimadii kale ee deegaanka ayaa waxay aadeen dhinaca kale si ay ugu soo qanciyaan heshiiskaan.

Shiikh Axmed Yuusuf Daad oo ka mid ah culimadda Carmo tagtey ayaa sheegay inaysan u jirin sida loo buun buuniyay xaalada Carmo iyo arrinta Gallan, wuxuna sheegay deegaanku inuu amni yahay isla markasna howshii taagnayd ay culimadda iyo waxgaradku gallaan.

PUNTLAND POST