Shan Askari oo Kenyan ah oo lagu dilay Gobolka Waqooyi Bari

Dawladda Kenya ayaa sheegtay in degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari duleedkeeda dagaal uu ku dhexmaray ciidamada dawladda Kenya iyo Ururka Al- Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Mandheera Cali Roba ayaa u sheegay warbaahinta Kenya in weerarkaasi lagu dilay shan Askari oo kamid ah ciidamada Dowlada Kenya.

Mr, Roba ayaa sheegay in dagaalkan uu  ka dambeeyey markii ay Al- Shabaab ay soo  weerareen kolonyo kamid ah ciidamada dawladda Kenya.

Weerarka lagu diley shanta Askari  ee kenyaka ah ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Ceelwaaq iyo Kutulo.

Dilka Ciidankan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Dowladda Kenya xirtay xuduuda u dhaxeysa Magaalooyinka Mandheera iyo Baled Xaawo.

PUNTLAND POST