Muqdisho-(Puntland Post) Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer ka soo saaray magacaabista Guddiga Heer Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee sannadka 2016-ka.
Guddigan la magacaabay ayaa isugu jira Shan Wasiir oo katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Min labo Wasiir oo kasocda Dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo xubno kale .
Guddigan oo ka kooban 22 xubnood ayaa lix ka mid ah ay yihiin haween.
Magacyada xubnaha ka mid noqonayaa guddigan ayaa kala ah:
1-Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa, Wasiir DFS
2-Maxamed Jaamac Mursal, Wasiir DFS
3-Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Wasiir DFS
4-Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiir DFS
5-Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir DFS
6-Saalax Axmed Jaamac , Aqoonyahan
7-Maxamed Kaynaan , Aqoonyahan
8-Nafiisa Geedi Santuur, Aqoonyahan
9-Cabdiraxmaan Xaashow , Aqoonyahan
10-Barlin Cadami , Aqoonyahan
11-Cabduweli Xirsi Cabdulle , Wasiir Puntland
12-Saadiq Abshir Garaad , Aqoonyahan Puntland
13-Aadam Ibraahim Aw-xirsi , Wasiir Jubaland
14-Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib, Aqoonyahan Jubbaland
15-Cabdiraxmaan Aadan sate , Wasiir Koonfur Galbeed
16-Maxamed Cabdi Nuur, Aqoonyahan Koonfur Galbeed
17-Xuseen Qaasim Yuusuf , Wasiir Galmudug
18-Cabdulaahi Salaad Yarow, Aqoonyahan Galmudug
19-Axmed Maxamed Siciid, Somaliland
20-Fardowsa Maxamed Ducaale , Somaliland
21-Aamina Cabdulaahi Dheerow, Gobolka Hiiraan
22-Raaxo Maxamed Janaqow, Gobolka Sh/dhexe.
Guddigan waxaa hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan, jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016.
PUNTLAND POST