Ray’iisul wasaaraha Xukumada soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafti Balaaran uu Hogaaminayo ayaa maanta lagu waday In ay gaaraan Magaalada Dhuusa-mareeb Ee Xarunta Gobalka Galgaduud.
Warar lagu Kalsoon yahay Oo Heshay Waraabhinta Puntland Post ayaa sheegaya In uu Baqday Socdaalkii ray’isulwasaare Sharmarke uu ku tagi lahaa magaalada Dhuusa-mareeb.
Waraka ayaa intaa Waxa ay ku darayaan In Maamulka Ahlu suna ay ka biyo Diideen In wafdiga Ray’isul wasaaraha Uu ka mid Noqdo Mahad Maxamed Salaad oo ah wasiiro Dowlaha Madaxtooyada soomaaliya.
Warar kale oo iyana warbaahinta Heshay ayaa sheegaya In Diyaaradii qaadi laheed wafdiga ray’iisul wasaaraha uu dibi Udhac Ku yimid.
Wixi warar ah ee Ku soo kordha kala soco Puntland Post
Puntland Post