Qaramada midoobay oo13,800 qaxooti Soomaaliyeed ah kusoo celisay dalka

NAIROBI-(Puntland Post)-Hay’adda qaramada midoobay u qaabbilsan qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay inay 13,800 oo Soomaali ah ka daad guraysay xeryaha Dhadhaab kuna ku celisay gudaha dalkooda December 2014 illaa April 28 ee sanadkan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska QM arrimaha qaxootiga  ayaa lagu sheegay inay hay’addu  7,703 qaxooti Soomaaliyeed ah dib u celisay bilihii January iyo April ee isla sanadkan.

Tan iyo markii ay billaabatay dib u daabbulidda qaxootigan ayaa sida ay war-bixntu sheegtay waxaa 63 jeer oo ka mida lagu daad gureeyay gawaarida xamuulka,halka 75 marna loo adeegsaday soo celintooda duullimaadyo hawada ah, kuwaasoo la kala geeyay magaalooyinka Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo.

War-bixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in 312 ka mid ah dadkan la soo celiyay ay 159 ka mid ihi ku soo laabteen Muqdisho,76 qof-na la geeyay Kismaayo halka 77 ruuxna loo daabulay magaalada Baydhabo, waxanay hay’adda UNHCR intaa raacisay inay daad gureynta qaxootigani hakiyeen roobab lixaad leh oo ha da’ayay waddada isku xirta gobollada koofurta dalka Soomaaliya iyo xeryaha xaqootiga Kenya.

War-bixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dowladda Kenya ka dhawaajisay todobaad ka hor inay xiri doonto xeryaha xaqootiga Dhadhaab bisha May ee sanadka soo socda.

Qaxootiga Soomaaliyeed eek u jira xeryaha Dhadhaab ayaa oo lagu qiyaasay iney ka badan yihiin 330,000 ayaa la sheegayaa inay intooda badan halkaasi ku sugan yihiin muddo ka badan 20 sano.

Dowladda Kenya ayaa ku doodaysa iney xeryaha Dhadhaab hooy u noqdeen malleeshiyaadka hubeysay ee rabshada ka geysta gudaha dalkeeda,waxanay saraakiisha ammaanka marar badan tilmaameen iney halkaasi gabbaadsadaan kooxo gacansaar la leh Al-shabaab.