Kenya oo heegan kaga jirta qatar kaga timmaadda Daacishta Soomaaliya

Nairobi-(Puntland Post)-Dowladda Kenya ayaa sare u qaadday heerka feejignaanta ciidamadeeda kala duwan, markii ay soo baxeen warar sheegaya in Daacish ay fariisamo ka samaysatay Soomaaliya, sidoo kalena ay billowday inay fuliso weerarro.

Sarkaal katirsan hay’adaha ammaanka dalka Kenya, oo Magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in Daacish-ka Yemen hub, dhaqaale,direys ciidan iyo tababarariyaal u soo dirtay Soomaaliya, si ay u aas-aasaan garab military oo taabacsan ISIS.

Wuxuu sheegay Sarkaalka in Daacish-ka Soomaaliya ay qaateen tababar hordhac ah, islamarkaana isku diyaarinayaan inay weerarro fuliyaan, isagoo hoosta ka xariiqay in Geeska Africa ay kusoo food-leedahay qatar xagga ammaanka ah.

“Doonyo hub iyo qalab Military wado ayaa uga yimid Daacish-ka Soomaalia dalka Yemen, gaar ahaan magaalada Mukallah ee gobolka Hadhramaut,” ayuu yiri Sarkaalka Kenyanka ah.

Dhowaan ayay ahayd markii Agaasimihii hore ee sirdoonka Puntland,Cabdi Xasan Xuseen “Cabdi Yare” uu ka digay ku sii xoogaysashada Daacish ee dalka Soomaaliya,kuwaasoo abaabul xooggan ka wada qaybo ka mida dalka Soomaaliya.