
Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in ciidamo tiro yar oo hurudhac ah ay usoo dirtay Soomaaliya, Ciidamadan ayaana la sheegay in ay taageero dhinacyo kala duwan ah ay siinayana ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamada ay soo dirtay dowlada Ingiriiska oo ah kuwa horu dhac ah oo gaaraya 10-askari ayaa kasoo dagay magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale dhawaan la filayaa in Magaalada Muqdisho yimaadaan 70-askari kale oo kasocda dowlada Ingiriiska .
Dowlada Ingiriiska , ayaa sheegay in ujeedka ciidankan ay u geeyeen Soomaaliya ay tahay in ay ka caawiyaan ciidamada AMISOM dhinaca loojistikada,Caafimaadka iyo dhinacyo kale oo muhiim ah sida la dagaalanka waxa ay ugu yeereen argagaxisada .
Xoghayaha gaashaandhiga ee Ingiriiska Micheal fallon ayaa sheegaya in ciidamadan Ingiriiska ka socda ee gaaray magaalaa Muqdisho ay Ciidamada AMISOM ka caawin doonaan howgalka ay kawadaan qeybo kamid ah Soomaaliya sida dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.
Soomaaliya waxaa horey ugu sugnaa ciidamo kala duwan oo ka socda qaar kamid ah wadamada Reer Galbeedka iyo Mareykanka, kuwaas oo la sheegay in ay si qarsoodi ah uga howlgalaan gudaha Soomaaliya ayna ku leeyihiin xarumo qarsoon.