Guddiga doorashooyinka Puntland oo Axmed Kismaayo u doortey Gudoomiye

Axmed-Kismaayo
Gudoomiyaha Cusub ee TPEC – Axmed Kismaayo

Garowe(Puntland Post) Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland oo maanta markii ugu horaysay shirkoodii koowaad isagu yimi xarunta PDRC ee magalada Garowe,waxayna ku doorteen gudoomiye iyo ku xigeen.

Guddiga ayaa gudoomiye u doortey Axmed Maxamed Cali (Kismaya) oo horay usoo noqday agaasimaha guud ee Puntland sidoo kalena guddiga waxay gudoomiye ku xigeen u doorteen Maxamuud Soofe Xassan oo sidoo kale guddigii hore ee doorashada gudoomiye ku xigeen kasoo noqday.

Gudoomiyaha cusub ee TPEC Axmed Kismaayo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay xubnaha kale ee guddiga ugu aamineen masuuliyadaan oo aad u culus, waxa kale uu sheegay inuu sida ugu wanaagsan uga soo bixi doono waajibaadka saaran.

Axmed Kismaayo ayaa mudo dheer kasoo mid ahaa shaqaalaha BBC, waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay Raadiyow Muqdisho.

Ka hor doorashada gudoomiyaha iyo ku xigeenka,waxaa lagu soo dhaariyay xarunta madaxtooyadda, waxaana goobjoog dhaarinta guddiga goobjoog ka ahaa madaxwayne ku xigeenka iyo Afhayeenka Baarlamaanka.

PUNTLAND POST