Waxaa magaalada Jowhar Markale Kafurmay Shirka maamul usameynta gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo mudo dhan 102 maalmood uu hakad kujiray Wasiirka Arimaha gudaha Wasiirka Amniga Wasiirka Kaluumeysiga iyo Qeyraadka Bada iyo Wasiirka Maaliyda DFS oo siwadajir ah usocda ayaa Soo gaaray Jowhar gelinkii hore ee maanta si ay u anba qaadaan furitaanka wejiga labaad ee shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
Howlka uu Kafurmay Wejiga labaad ee Shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaanan lagu dhex arkin ilaa Sedex Ugaas oo mug kuleh labada gobol waxaana ay sheegeen iney banaanka kayihiin furitaanka Wejiga labaad ee Shirka maamul Usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdiraxmaan Maxamad Xuseen Odiwaa oo Daah Furay Wejiga labaad ee Shirkan ayaa Kahadlay ahmiyada uu uleeyahay Dadka Labada Gobol maamul ay dhistaan Waxaana Sidoo kale uu raali gelin kabixiyay Qaabka ay wasaarada usoo xushay ergeda kaqeybqaadaneysa shirka waxa uu sheegay inuu qaatay inuu gardarnaa walow uu sheegay inuu isaga weli isla saxana yahay
ugaasyada labada gobol ayuu kacodsaday iney kala qeyb qaataan in lagu qanciyo ugaasyada maqan sidii ay uga soo qeyb galilahaayeen shirka maamul usamenyta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo Gogo shiisu ay Jowhar taalo
waxa uu wasiir Odiwaa sidoo kale kahadlay arinka buulo burde oo ay dadka reer hiiraan sheegaan ineyan caasimad noqoneyn Buulo burde balse ay tahay Xeelad siyaasadeed Dikreetada Madaxweynaha
waxa uu wasiirka sheegay ineysan eheyn wax sida hadalka loo dhigay balse caasimada lageyn doono Buulo burde dhowaana dayactiro lagu sameyn doono xarumaha Dowlada ee Kuyaala Buulo Burde
halkan kadhageyso qudabada Wasiirka Arimaha Gudahaa Cabdiraxmaan Odiwaa