Jowhar Oo maanta Lagu Wado inuu Shirka Kafurmo iyo Ugaasyo Banaanka Kajooga Shirka

magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay fidsantahay Gogosha maamuul Usameynta hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Lagu wadaa in maanta uu markale kafurmo Shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo mudo Kusiman 3 bilood 12 maalmood uu alabaabada uxirnaa howlka uu shirka kascoday

shirka lagu wado maanta inuu jowhar kafurmo ayaa weli waxaa horyaala caqabadihii horay u horyaalay ee ku aadanaa diidama qeexan oo ay odayaasha dhaqanka labada Gobol ay ka kakeeneen sii socoshada shirka

waxaa xiligan kusugan howlka uu kaqabsoomayo shirka qaar kamid ah odayaal ku kala abtirsada gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe walow salaadinta ugaasyada iyo malaaqyada muga kuleh Labada gobol ay banaanka kajoogaan shirka

lama garanayo meesha ay caga dhigandoonto natiijada shirka maamul usameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe balse wixii kusoo kordha ee warar ah kala Socda {Puntlandpost.net}