Suldaan Axmad Rashiid Shiikh Shuceyb ayaa ka hadlay Warar siweyn loo hadal haayay labadii maalmood ee lasoo dhaafay kaasi oo ku aadanaa in suldaanka uu ku qancay qaabka ay wax uwado Wasaaradda Arimaha Gudaha DFS islamarkaasina uu sheegay inuu diyaar u yahay ka qeybgalka shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
Wararkaasi ayuu ku sheegay suldaanka kuturikuteen ama waxkama jiraan wexey daabaceen qaar ka mid ah saxaafada gobolka Shabeelaha Dhexe iyaga oo kusheegay inuu suldaanka ku qancay qaabka wax loo wado.
Suldaanku waxa uu kamid yahay Duubabka sida weyn uga horyimid Go’aankii ay gaartay wasaaradda Arimaha Gudaha DFS ee ku aadanaa hanaanka wax qeybsi ee Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe
Suldaanku waxa uu sheegay in uu taagan yahay mowqif ahaan meeshii uu taagnaa waxaana uu sidoo kale sheegay inuusan kabixin balantii uu galay.
Wasaaradda arimaha Gudaha DFS ayaa dadaalo ugu jirta iney ku qanciso duubabka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iney kaqeybgalaan Shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogoshiisa ay Fidsantahay Jowhar
Halkan kadhageyso Codka Suldaan Axmad rashiid Shiikh Shuceyb