Dad ka badan boqol oo ku geeriyooday dab ka kacay macbad ku yaalla Hindiya

New Delhi-(Puntland Post)-Ugu yaraan boqol ruux ayaa ku geeriyootay boqolaal kalena wey ku dhaawacmeen dab maanta qabsaday goob macbad ah oo ku taalla magaala xeebeedka Paravoor oo ka titsan gobolka Kerala ee dalka Hindiya.

Oommen Chandy,oo ka mida madaxda gobolkaasi ayaa sheegay iney tiradu haatan gaarayso 120 qof, halka dhaawacuna uu ku tilmaamay 380 ruux,kuwaasoo intooda badan ku waxyeelloobay burburkii goobta ka dhashay.

Macbadkan oo lagu magacaabo Puttingal,ayaa xilligii dabku qabsanayay waxaa ka socotay xaflad loogu debaal degayo sanadka cusub ee dalka Hindiya.

Saraakiisha ammaanka ee gobolkaas ayaa sheegaya inuu debkan ka billoowday baaruudda la rido ciidaha si’ loo dammaashaado,taasoo dhalisay iney sii qabsatay qol ay ku keydsanaayeen baaruudo badan oo xafladda loogu tala galay.

Dadka ayaa intiisa badan waxaa loola cararay xarumaha caafimaadka,waxaana soo baxaysa cabsi la xiriirta iney tiradu intaa ka badan karto,waxaana weli soconaya baaritaanno iyo gurmad lagu baadi goobayo meydad iyo haddii ay jiraan dad kale oo nool.

Puntland Post