Amisom oo sarkaal kale ka dishay Al Shabaab

Muqdisho,  Puntland Post — Taliyaha qaybta koowaad ee ciidamada Amisom, Jenneraal Sam Okiding ayaa sheegay inay xalay hawl-gal ka dhacay inta u dhexaysa degaannada Buufoow iyo Jannaale ay ku dileen 22 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo uu ku jiro horjooge  lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Buqdube.

Jenneraal Sam, ayaa intaa raaciyay inuu bar-tilmaameedkoodu ahaa goobo cayiman oo ay sida uu sheegay ay ku dhuumaalaysanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab,isla markaana ay ka weerareen xagga dhulka iyo cirka.

Dhawaan ayay ahayd markii ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo is kaashanaya ay isla gobolka Shabeellada hoose ku dileen horjooge lagu magacaabi jiray Xaan Cali Dhoorre iyo xubno kale oo ka mid ahaa Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa horey ugu dhowaaqay guluf culus oo ka dhan ah Al-shabaab,kaasoo sida la sheegay ku wajahan gobolka Shabeellada hoose oo inta badan ay ka dhacaan weerarro lagu waxyeelleeyo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom.