Maraykan oo Duqaymo ka fuliyay Jubbada Dhexe

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqaymo ay  ka fuliyay Soomaaliya lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu magacaabo Xasan Cali Dhoore.
Af-hayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon, ayaa sheegay in diyaarad bilaa duuliye ahi weerar ku qaaday meel u dhow magaalada Jilib ee ku koonfurta Soomaaliya.
Waxa weerarka lagu bartilmaameedsaday Xasan Cali Dhoorre oo ahaa xubin sare oo ka tirsan Al-Shabab oo lagu tuhunsanaa inuu maleegay qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo huteel magaalada ku yaalla oo dad Maraykan ah lagu dilay.
Hayeeshee war warbaahinta dawladda Soomaaliya ay ka soo xigatay abaanduulaha milatariga Soomaaliya Janaraal Cali Baashi ayaa lagu sheegay weerar ay qaadeen kooxda comandooska ee milatariga Soomaaliya in lagu dilay Xasan Cali Dhoore gobolka Shabeellaha hoose.
Ilo madaxbanaan ayaa sheegaya in Xasan Cali Dhoore iyo labo qof oo la socday oo watay gaari nooca rooneytka ah ay diyaarad aan duuliye lahayn ay ku dhafutay dhawr gantaal habeenkii jimcuhu soo galayay meel ku dhaw degmada Kabsuuma ee gobolka Jubada Hoose . Dhamaan dadkii gaariga saarnaa ayaa dhintay oo uu ku jiray sarkaalka bartilmaameedka ahaa ee Xasan Cali Dhoore.

Dhanka kale madaxweynaha somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo habeenkas warbaatinta kula hadlaayay magaalada muqdisho ayaa sheegay in ciidamada somalia ay howlgalo wadaan hada ayna bari faah faahin ka bixin doonaan,
Wali ma jiro wax wara oo ka soo baxay Al-Shabaab oo xaqiijinaya ama beeninaya weerarkan iyo ninka lagu dilay.