PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Cabdiweli Maxamuud Guray oo wax laga xumaato ku tilmaamey qaraxii Gaalkacyo ka dhacay

Share
Cabdiweli Maxamuud Guray
Cabdiweli Maxamuud Guray

London(Puntland Post) Siyaasi Cabdiweli Maxamuud Guray oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ee ku nool waddanka Ingiriiska ayaa ka hadlay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin qaraxii is-miidaaminta ee Gaalkacyo ka dhacay, hadalka kasoo baxay qaar ka mid ah Odayaasha Muqdisho iyo nidaaamka 4.5 oo ay Puntland diiday.

Marka hore waxa uu sheegay inuu ka xun yahay is-qarxintii miidaaminta ee maanta Gaalkacyo lagula eegtay Xisaabiyihii wasaradda maaliyada ee Gobalka Mudug AUN,Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare) wuxuu sheegay inuu tacsi u diraya dhammaan dadkii qaraxaasi ku dhintey, Gaadayare ayuu sheegay inuu ixtiraam ku dhex lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Guray, waxa uu shacabka ugu baaqay inay sii xoojiyaan midnimadooda dagaalka lagula jiro Al-Shabab-na hal meel looga soo wada jeesto, wuxuuna sheegay inay waajib tahay nabadgalyada in la wada adkeeyo.

Dhinaca kale Cabdiweli Maxamuud Guray ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalada dhowaan kasoo baxay qaar ka mid ah Odayaasha Muqdisho oo warbaahinta ka sheegay in Muqdisho dad gaar ah lee yihiin inta kalena ay marti ku tahay wuxuu arrintaasi ku tilmaamay mid laga naxo ayna noqotay mid guud ahaan dalka iyo dibadda laga hadal hayo, Odayaasha hadlay ayuu sheegay in laga filayay inay u qareemaan hantida shacabka looga haysto Muqdisho balse ay ayaan daro tahay waxa kasoo yeeray.

Cabdiweli Maxamuud waxa kale uu waraysiga kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee Dalka gaar ahaan hanaanka doorashada iyo diid-mada Puntland 4.5, wuxuu sheegay inay la qabaan madaxda Puntland inaan la qaadan nidaamkaasi oo horay looga wada heshiiyay.

Hadalka Cabdiweli Maxamuud Guray ayaa kusoo aadaya xilli wafdiga Ra’iisul Wasaaraha uu maalinkii lixaad ku sugan yahay magalada Garowe isla markasna wax natiijo ah uusan kasoo bixin wada-hadalka DFS iyo Puntland.

 

1 comment

  1. Ilmaha Caruurta ah ee isqarxiyay iyo waliba kuwa maalin walba is qarxiya
    nimankii soo dirray ee dibaatadan oo dadhan ka masuulka ahaa.
    waa layaqaana magacyadooda meesha ay joogaan Qabiilkooda intaba. ee waa indhaqaale lagu baxshaa sidii losooqaban lahaa sicadaalada loo horkeeno, amaba loodili lahaa.

    waaridiinta dhalay caruurta ay xooga ku qarxiyaan ama kudagaal galiayaa
    waa in ay isdiiwaan galiyaan oo ay meel uga soo wadda jeensadaa shabaabka diinta islaamka ku been abuurtay ee caruurt xalashaday afduubkooda, kufsigooga iyo dilka dadka aan waxba galabsan

    waalidka caruurtan dhalay waa in ay qoraan dacawad heer gobal iyo heer caalamiba ah iyo waliba xogbadda warbixino dheeraad ah ee dad ilmahooda hayta iyo kuwa ugacan galiay ee sasbata u,ah in caruurtan lakhasbo amaba lakhaldo miskaxdooda.
    horjooga yaasha caruurta afduubta ee deedna qaraxa ku xirrayaa deedna Tv ,ga iyo Radio, caalamka usheegaya in uu caruurtaas Jano Udiray. waa in tilaabada ku habboon laga qaadaa

Leave a Reply