Al-shabaab oo Af-duubatay dadkii ugu badnaa

Muqdisho-(Puntland Post)-Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya,Cabdi Rashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay in  Sagaashan qof oo rag ah ay Al-shabaab ka qafaasheen degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada hoose.

Mudane Xiddig,oo ka hadlayay kulanka Khamiis laha ah ee golaha wasiirrada,ayaa waxaa si weyn loo gorfeeyay qaabka loo soo badbaadin karo dadkan,iyadoo markii dambe loo xil-saaray iney ka gun gaaraan arrintan wasaaradaha difaaca iyo amniga qaranka.

Hadalka wasiiru dowlaha ayaa yimi markii ay qayla dhaan usoo gudbiyeen xubno dowladda ka tirsan dadka degaannadaa ku dhaqan,kuwaasoo walaac xooggan ka muujiyay xeeladaha af-duubka shacabka ah ee ay Al-shabaab la soo baxeen.

Dhowaan ayay ahayd markii ay maamullada Puntland iyo Gal-mudug kula dagaallameen qaybo ka mida degaannadooda cutubyo ka tirsan ururka Al-shabaab,kuwaasoo ay ku jireen carruur aad u da’yar oo sheegay in si’ xoog ah lagu soo kaxeeyay.