Garowe-(Puntlandpost) Boqor Cabdulahi Axmed Cali oo kamid Isimada Puntland
gaar ahaan Isimada Gobolada Sool, sanaag iyo cayn ayaa shir jarid oo uuku qabtay
Hotel Rugsan ee magaalada Garowe kaga hadlay shirarka kasocda gudaha magalaada Garowe taas oo looga arinsanayo nidaamka 4.5 una dhaxeeya DF somaliya iyo Puntland.
Boqor cabdulalhi ayaa tilmaamay in ay isimo ahaan ay kasoo horjedan nidaamka 4.5 ayna horay u cadeeyen mawqifkooda ku aadan 4.5 kaso horejedi taanka nidaamkas ku salaysan qaabka qabiilka.
boqorka ayaa mar wax laga waydiyay in dowlada puntland ay jirto in si hoose u qadaanasyo nidaamka 4.5 ayaa kaga jawabay,
“hadii dowlada ay qadato si hoose 4.5 ay tahay qalad ay ka gashay shacbiweynaha puntland aysana suurta galayn isimo ahana ay kaba soo horjedan nidaamkaas”,
isago tilmaamaya in dowladu ay latashiyo kala samaysay isimada iyo shacbiga diiditaanka nidaamkaas 4.5, dowlad ahaana aysan kaligeed iska qadan karin nidaamkas 4.5.
boqor Cabdulahi Axmed Cali ayaa ugu danbayn Xalka kaliyah ee loogagudbi karo 4.5 ay tahay in Dowlada FD Somalia ee haatan jirta loogu daro Waqti dhereda.
hadalka Boqorka aya kuso beegmaya xili ay jiraan shirar gooni gooni ahoo udhaxeeya Df Somalia iyo Puntland oo aan la,ogayn Natiijada kasoobaxaysa.
PUNTLAND POST