Diyaarad ay leedahay shirkadda FlyDubai oo ku dhacday magaalada Rostov-on-Don ee dalka Ruushkaa

Diyaaradan oo ay saarnaayeen 62 qof oo rakaab  iyo shaqaalihii diyaaradda isugu jira ayaa dhamaantood shilkaas ku dhintay.  Diyaaradda ayaa burburtay iyada oo ku degeysa magaalada Rostov-on-Don ee dalka Raashiya.

Sida la soo sheegayo diyaaradda ayaa dhulka ku dhacday kadibna waxa ay u kala jabtay labo qalbac  waxaana halkaas ku naf waayey 55 qof oo rakaabkii ah iyo 7 shaqaalaha diyaarada ah.

Diyaaradda oo nooceeda lagu sheegay Boeing 737 waxa ay u shaqaynaysa  shirkadda FlyDubai ee laga leeyahay dalka Isutaga Imaaradka Carabta.

 

PUNTLAND POST