Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu maxkamadeeyay dalka kanada

Toronto-(Puntland Post)-Ayaanle Xasan Cali,oo 27 jir ah ayaa lasoo taagay maxkamad ku taalla magaalada Toronto ee dalka Kanada,markii lagu eedeeyay inuu Laba askari ku dhaawacay xarun laga qoro ciidanka oo ku taalla waqooyiga magaaladaasi.

Ninkan Soomaaliga ah oo ku dhashay magaaladda Montereyaal ee dalka Kanada, waxaana lagu soo oogay Sagaal fal-dembiyeed oo ay ku jiraan isku-day dil iyo inuu haystay hub khatar ku ah bulshadda.

Garyaqaan David Burke ayaa suxufiyiinta ugu sheegay dibedda Maxkamadda,inuu shilkaasi ahaa mid aad halis u ah, oo uusan qofna doonaynin inuu iska yeelyeelo falka noocaasi ah.

Eedeysane Ayaanle Xasan Cali waxaa la sheegay inuu magaaladda Toronto ku noolaa shantii sanno ee la soo dhaafay, mana kala cadda sababaha uu gacan qaadka ugu sameeyay halka lagu diiwaan-geliyo Askarta cusub.

Eedeysanaha oo Cilmiga Injineernimadda ka bartay Jaamacadda “The University of Calgary” ayaa la filayaa in mar kale la soo taago Maxkamadda Jimcaha soo socda,waxanay jaaliyadda Soomaaliyeed ku doodayaan inay wax uga dhimman yihiin xagga dhimirka,taasoo uu ku gacan sayray gar-yaqaanka maxkamadda.