Al-shabaab oo sii deysay shaqaale ay ka af-duubteen bisha cas

Baar-dheere-(Puntland Post)-Aadan Cabdi Aadan, Cabdinaasir Abshir iyo Cali Sugulle,oo ka mid ahaa shaqaalaha hay’adda sama falka Bisha Cas ayaa dib u helay xorriyaddooda,markii ay shalay Al-shabaab ka af-duubteen degaanka Sidiimo  ee duleedka magaalada Baar-dheere.

Odayaasha iyo wax-garadka degaanka ayaa ku guuleystay iney u kala deb qaadaan ragga wax qafaashay iyo hay’adda bisha cas,waxaana la sheegayaa in dhibbanayaasha lagu soo furtay lacag aan caddadkeeda la shaacin.

Shaqaalahan la sii daayay ayaa markii hore kusii jeeday degmada Ceel-waaq oo ka tirsan isla gobolka Gedo,xudduudna la leh dalka Kenya,safarkaas oo la sheegay iney ka shakiyeen ragga af-duubka geystay.

Ururka Al-shabaab ayaa horey u faray hay’adda bisha cas ineyan ka haw-gali karin guud ahaan gobolka Gedo, iyadoo dhawaan ay sidan oo kale ka qafaasheen shaqaale lagu sii daayay madax furasho lacageed iyo ballan qaadyo inayan ka shaqayn doonin Gedo.