Shuban biyood carruur ku laayay Shabeellada hoose

Jowhar-(Puntland Post)-Siddeed carruur ah ayaa ugu geeriyootay shuban biyood ka dillaacay tuulooyin hoos taga magaalada Jowhar,taasoo loo sababaynayo biyo la’aan baahsan oo ka jirto webiga shabeelle ee halkaasi mara.

Yoonis Cabbaas Abuukar oo ka mid ah wax-garadka degaanka Bacaadley ayaa sheegay inay carruurtani u dhinteen biyo wasaqeysan oo ay cabeen,ka dibna ay ku xanuunsadeen una geeriyoodeen si dhaqsa ah.

Tuulooyiinka Maandheere, bacaadley, deyma same, jiilaale, tuugarey, gaashaanle iyo Maagey oo dhammaantoodba uu maro webiga shabeelle ayaa laga soo sheegayaa biyo yari , iyadoo ceelasha qaar ay yihiin kuwo ay matoorradi ka cilladoobeen, halka qaarna safaf dhaadheer ay ugu jiraan dadka degaanka.

Yoonis ayaa dowladda federaalka iyo hay’adaha sama-falka ugu baaqay inay lasoo gaaraan kaalmo bini’aaddannimo oo ded-deg ah,maadaama ay noloshooda markii hore ku tiirsaneyd biyaha wabiga Shabelle oo haatan gabaabsi sii ah.

Webiga Shabelle ayaa maalmihii u dambeeyay sameeyay biyo yari, waxaana arrintan lagu macneeyay jiilaal daba dheeraaday,markii ay soo raageen roobabkii iyo biyo xireenno ay samaysay dowladda Itoobiya oo ay ka yimmaaddaan webiyada dalka mara ee Jubba iyo Shabeelle.