Puntland: Halyeeyadii la hilmaamay!

Dhalinyaradu waa lafdhabarta hurumarka Bulshada waxaana muhiim ah in ay helaan dhiiragalinta ciyaaraha taas oo gudbisa fariin ah in laga gudbo qabyaalada, jahliga, ka hortaga tahriibka iyo isdhexgalka dhalinta.

Hadaba PUNTALAND POST ayaa wax ka iftiiminaysa halka ay Puntland ka mareyso ciyaaraha, iyadoo ku abtirsata muddo 19 sano ah, aadna moodid in maamuladii kala danbeeyay aysan awood badan siinin dhanka cayaaraha oo ah halbowlaha dhalinyarada.

Puntland muddo ku dhow 4 sano lagama qaban tartamada kubadda cagta noocyadooda kala duwan, sida  tartanka gobolada, tartanka kooxaha heer kowaad iyo labaad, tartanaka degmooyinka iyo tartamo kaleba, waxa uuna ahaa tantankii ugu danbeyay ee ay Puntland qabato tartankii gobolada bilowdii sanadkii 2014-kii markaas oo uu ku guuleystay xulka gobolka Nugaal.

Waxaa jiray tartanka kooxaha reerka kowaad ee Puntland oo sanadkan bilowgii la qabtay, laakiin markii dhanbe ku dhamaaday fashil, markii ay is qabqabsadeen kooxaha qaarkood iyo xiriirka kubadda cagta Puntland, waxayna dhalinyarada cayaaruhu fashilkaas ku eedeeyeen Agaasimaha dhanka cayaaraha ee wasaarada Shaqada, Shaqaalaha iyo ciyaaraha Puntland Axmed Cabdala Tigaana oo ay sheegeen koobkaas in uu si calaalad daro ah u siiyay koox wadatay magaca Bari.

Agaasime Tigaana iyo xiriirka kubada cagta Puntland oo sedex xubnood ka kooban ayaa  dhalinyarada ciyaaruhu ku eedeeyeen dib u dhaca hormaraka ciyaaraha Puntaland, iyadoo cabashada dhalinyardu gaartay Maxkamad iyo ilaa heer Madaxweyne.

Sanadkii hore ee 2016-kii waxaa dhacay dhacdo ay dhalinyarada iyo dhamaan shacabka Puntland ay aad ugu farxeen markii ay koox matalaysay ku guuleysatay tartankii dowlad goboleedada Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay, iyadoo kooxdaas ay ka yaabisay shacabka Soomaaliyeed markii ay soo bandhigtay ciyaaaro la la dhacay. waxaana guushoodii kadib Puntland shacab iyo dowlad loogu soo dhawweyay si hagar la’aan ah, balse waxay noqdeen Halyeeyadii la hilaamay markii ay garoomo wanaagsan iyo taramo ay ku loolamaan waayeen, si ay u sii wataan xirfadooda ciyaarta ayna u soo baxaan ciyaartow kale

Waa sidee garoomada kubadda cagta Puntland?

Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa waxba ka gaban garoomada kubadda cagta oo ah hoyga ciyaaraha waxaana garoomada maagaalooyinka waaweyn sida Garowe, Bosaso iyo Gaalkacyo ka muuqda dhayac aad u baahsan, kaaga sii darane waxaad mararka qaar arkeysaa iyadoo garoonka kubadda cagta caasimada Puntland ee Mirre Awaare uu fariinsin u yahay ciidamo hubaysan, halkii uu hooy u noqon lahaa dhalinta ciyaaraha.

Garoonka kubada cagta Garowe
Garoonka kubadda cagta Bosaso
Garoonka kubada cagta Galkacyo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halka magaalooyinka kale ee Soomaaliyana garoomada ciyaarada dibu habeynaha lagu sameeyay lana dhigay dhamaanka qalabka garoomada oo casri ah oo Habeen iyo maalinba lagu ciyaaro, waxaana magaalooyinkaas ka mid ah Muqdisho, Hargeysa, Kismaayo, Boorame, laascaanood iyo kuwa kale, oo dhawaan ka soo kabtay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Garoonka kubada cagta Muqdisho
Garoonka kubada cagta Kismayo
Garoonka kubada cagta Hargeysa

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hadaba iyadoo dhawaan lagu dhawaaqay in tartanka dowlad goboleeda sanadkan dhamaadkiisa lagu qabandoono xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ee Kismaayo ayaa waxaa la xasuustay Halyeeyadii la hilmaamay in ay markale kor uqaadaan magaca Puntland, waxaana adag sidii loo soo xulilahaa ciyaartow u qalma in ay matalaan Puntland, maadaama aysan dhicin tartamadii laga xulan lahaa ciyaartow xirfadoodu sareyso.

Ugu danbeyntii waxaa muhiim ah in dowlada, Ganacsato, Qurbajoog iyo dhamaan shacab Puntland ay ka qeyb qaataan hor marinta ciyaaraha lana gaarsiiyo bobolada kale ee dalka Soomaaliya, oo ay ka muuqdaan isbadlo dhanka ciyaaraha ah.

PUNTLAND POST