“DAAWO” LOOMA KALA HARIN XULKA KUBADDA PUNTLAND

Madax iyo Shacab uma kala harin soo dhaweyntii 31 July 2016 Garowe loogu sameeyey dhalinyaradda xulka kubbada cagta Puntland ee kala soo laabtey Muqdisho guul ka dib tartankii xulalka ciyaartooyda maamul goboleedyada dalka Somalia.

Warbaahinta Puntlandpost ayaa soo bandhigaysa warbixin muuqaal ah oo ay ugu magac dartey “LOOMA KALA HARIN” taas oo xog dhab ah kaa siinaysa qaabka ay u dhacday munaasabadii soo dhaweynta dhalinyarada kusoo guulaystey tartankii banooniga.

Waxaa diyaariyey warbixinta Wariyaha Puntlandpost Abshir Xaaji Abdulaahi (Abshir Dhiirane) halka uu isku dubo riday maamulka Ramaas Soft-ware Liibaan Xuuxuule.

Haddaba halkan hoose ka daawo warbixinta .

Abshir Dhiirane

Xafiiska Wararka Garowe

PUNTLANDPOST.COM