Xulka kubadda Cagta Puntland oo loo qiray inay tahay kooxda ugu kubadda macaan koobka Muqdisho

Muqdisho(Puntland Post) Kooxda kubadda cagta Puntland ayaa lagu ammaanay qaab ciyaareedkii ay soo bandhigtey, kaddib kulan casho ah oo loogu qabtay xalay Hotelka Maka Al-mukarama ee magalada Muqdisho.

Munaasibadan waxaa soo qaban qaabiyay masuuliyiin uu ka mid yahya Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan xisbiga siyaasada Daljir oo xaruntiisu tahay magalada Muqdisho, sidoo kale munaasibada waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ciyaartooy.

Ahmiyadda kulankan ayaa ahayd in kooxda Puntland matalaysa loo sheego inay yihiin koox heer wanaagsan ka taagan ciyaaraha kubadda cagta iyo in la tuso in loo boggay waxay garoonka kubadda cagta Koonis kusoo bandhigeen.

Agaasimaha guud ee wasarada ciyaaraha Puntland Mudane Axmed Cabdalla Tigaane aya ka mahad celiyay kulankan cashada ah ee loo qabtay sidoo kale Tigaana wuxuu sheegay inay kooxdu dhinac kasta ka dhisan tahay ayna ka rajeynayaan in koobkan qaadaan oo ay geeyaan magalada Garowe, agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in mar walba laga shaqeeyo is-dhexgalka dhalinyarada.

Mustafe Majacase oo ka tirsan xiriirka kubadda cagta Puntland ayaa dhankiisa sheegay ka xiriirr ahaan inay ku qanacsan yihiin sida loogu soo dhaweeyay magalada Muqdisho, waxa kale uu hadalkiisa raaciyay inay go’an tahay xilli kasta inay dhinac kasta wanaag ka muujiyan hadey noqon lahayd xagga ciyaarta,asluubta iyo dhaqanka.

Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan xisbi siyaasadeedka Daljir kana mid ahaa dadkii kulankan soo qaban qaabiyay ayaa ku ammaanay kooxda Puntland sida wanaagsan ee ay ciyaarta usoo bandhigeen, waxa kale uu goobta ka sheegay in Puntland ay tahay hooyadii Soomaaliya ayna wax kasta oo ay tabanayaan xagga ciyaarta raali galin laga bixinayo.

Fiqi iyo xisbigiisa Daljir ayaa kooxda kubadda cagta Puntland gudoon siiyay hadiyad ka kooban callanka Soomaaliya iyo maaliyad ay ku qoran tahay magaca Puntland, wuxuu sheegay inay jecel yihiin in ka xisbi ahaan ay Puntland yimaadaan xarumana ay ka furtaan.

Ugu danbeyntii gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ”Madaale” ayaa u mahad celiyay kooxda Puntland waxa kale uu sheegay inuu ku faraxsan yahay habka wanaagsan ee ay kubada usoo bandhigeen, wuxuu cadeeyay inuu taageersan yahay kooxda Puntland.

Kooxda Puntland ayaa Sabtida ciyaarta xiiso leh la qaadan doonta kooxda matalaysa Hiiraan/Shabeelaha dhexe, sidoo kale galabta oo Jimce ahna waxaa wada dheelaya kooxaha Banaadir iyo Jubbaland oo kii badiyaa usoo bixi doono Finaalaha koobka.
IMG_7821

IMG_7860

IMG_7889

IMG_7893

IMG_7897

IMG_7906

IMG_7917

IMG_7938

IMG_7943

IMG_7949

IMG_7963

IMG_7970

IMG_7971

IMG_7982

IMG_7998

IMG_8001

IMG_8003

IMG_8006

IMG_8012

IMG_8016

IMG_8017

IMG_8026

IMG_8031

IMG_8044

IMG_8046

IMG_8051

IMG_8058

IMG_8066

IMG_8076

IMG_8080

IMG_8084

IMG_8086
PUNTLAND POST