Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo sheegay oo ahaa in dawladiisu ku daba-joogto sidii ay u heli lahayd xog dhammaystiran oo ku saabsan heshiiskaDekedda Berbera ee Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in bilowgiisu ka horeeyay dawladiisa.
Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka jawaabay hadalkaasi Madaxweyne Farmaajo ka soo yeeray.
“Halkani waa Somaliland, ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Soomaaliya waxaan uga digayaa inay faraha kala baxaan arimahayga oo aanay ku mashquulin, Madaxweyne walba oo Somaliya yimaada dhaqan bay u noqotay inuu ka hadlo ama ku mashquulo arimaha Somaliland, ee waxaan leeyahay Madaxweynaha, Barlamaanka iyo Madaxda Somaliya ha ku mashquulina oo wakhtigu yaanu idinkaga lumin dal iyo dad aydaan u talin, go’aana aydaan ka gaadhi karin, ee hawlihiina dayacan ee u baahan inaad wax ka qabataan ka qabta”.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in Sifo sharci ah loo maray heshiiskii Saldhiga Ber Bera.
“Somaliland waa dal madax banaan, waa dal leh Madaxweyne la doortay, waxaana ka Madaxweynaha Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Somaliland waa dal leh Baarlamaan la soo doortay, oo Shacabku soo doortay, Dekedda Berberana nidaamkii saxda ahaa ayuu martay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post