PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Somaliand oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo

Share

Maamulka  Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo  sheegay oo ahaa in dawladiisu ku daba-joogto sidii ay u heli lahayd xog dhammaystiran oo ku saabsan heshiiskaDekedda Berbera ee Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in bilowgiisu ka horeeyay dawladiisa.

Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka jawaabay hadalkaasi Madaxweyne Farmaajo ka soo yeeray.

“Halkani waa Somaliland, ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Soomaaliya waxaan uga digayaa inay faraha kala baxaan arimahayga oo aanay ku mashquulin, Madaxweyne walba oo Somaliya yimaada dhaqan bay u noqotay inuu ka hadlo ama ku mashquulo arimaha Somaliland, ee waxaan leeyahay Madaxweynaha, Barlamaanka iyo Madaxda Somaliya ha ku mashquulina oo wakhtigu yaanu idinkaga lumin dal iyo dad aydaan u talin, go’aana aydaan ka gaadhi karin, ee hawlihiina dayacan ee u baahan inaad wax ka qabataan ka qabta”.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in Sifo sharci ah loo maray heshiiskii Saldhiga Ber Bera.

“Somaliland waa dal madax banaan, waa dal leh Madaxweyne la doortay, waxaana ka Madaxweynaha Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Somaliland waa dal leh Baarlamaan la soo doortay, oo Shacabku soo doortay, Dekedda Berberana nidaamkii saxda ahaa ayuu martay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

1 comment

  1. Asc. Marka hore Somaliland ma’aha oo kaliya saddexda odey ee Isaaqa.
    Sida aynu la socono xuduudahii gumeystihii ee waa hore haddii aanu raad raacno. Somaliland waa qabaa’il fara badan oo cid waliba laga helayo, taasi waa mid.
    Tan xigta Somaliland inta kale ee aan aheyn sadexdaa odey ee Isaaqa, waanu og nahay in lagu gumaado oo lagu caburiyo. Buug uu qoray nin magaciisa la yira George Orwell laguna magacaabo “Animal Farm” ayaan waxba ka duwaneyn qowmiyadani yare Dirta ee Isaaq.
    Dadkii iyo ummadii waxaa cadow looga dhigay qoomiyad ay DNA wadaagaan ee isu dhaxay oo isdhalay, dal qurana ah Diin, Dhaqana iyo Af ay ka midoobaan.
    Somaliland madaxdeeda caqliga iyo aragtida gaaban leh, inay kala dilaan Ummadii Soomaaliyeed duruufo ah inay kuraasta ugu sareeya ku fariistaan iyo danahooda shaqsi ee u gaara.
    Waxay shacabkii iyo ubadkii dugsiyada ugu dhigeen inay Somali cadowgooda yahay, Xabashidana ay walaalhood yihiin.
    Taasi waa nacasnimo oo ay u dheertahay caqli xumo aad u liidata.
    Waxay dab had iyo goor ka shidaan Somalia, waxay maalgaliyaan oo tababaraan xagjirka isku qarxiya magaalooyinka kale Somalia. Ujeedadoodana ay tahay inay Caalamka isu tusaan inay nabadi ka jirto Somaliland, oo qalalaasahaa oo idil, iyo dhiiga Ummada Somalia lagu daadiyo, in marnaba Somali isu imaan. Dunidu iyo Caalamka way la socodaan waxa socoda. Maxaa Somaliland u diiday Alshabaab haddii aynan aheyn isku xulafo wada shaqeeya, Mr. Godane ninkii ugu sareeyay kooxdani xagjirka wuxuu ahaa nin Somaliland.
    Hadalkii oo kooban dagaaladii sokeeye cid aan xanuunkaa gaarin ma’ay jirto, anigan qoraya qormadan aabahii idhalay oo odey cada ayaa lagu dilay iyo in badan ee dhiigeyga ah.
    Waxaa caqlixumo weyn ah inay yiraahdaan dowladii kacaankii ayaa dad inaga dishay, sidaa darteed waan ka go’nay soomaalidii kale.
    Ugu dambeyn dhulka Somalia ayaa leh Berberana waa wadan Somalia ka tirsab cid ama qabiilna ma iibsan karo dhulka Somalia.
    Carabi waxba inooma ah Diinta ayaa inaga dhaxeysa mooyee.
    Salaam.

Leave a Reply