Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Joseph Nkaissery ayaa goordhow ku geeriyooday Isbitaalka Karen Hospital ee magaalada Nairobi.

Wasiir Joseph ayaa Isbitaalka u tagay hubin caafimaad hayeeshee daqiiqado uun kadib ayuu ku geeriyooday Isbitaalka wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Joseph Nkaissery .
Masuuliyiin ka tirsan dowlada Kenya ayaa xaqiijiyay in uu geeriyooday wasiirkii Arimaha Gudaha ee Dowlada Kenya Joseph Nkaissery.
Joseph ayaa jiray da’da 67 Sano.
Halkan ku Dhufo oo Aqriso Sida Warbaahinta Standard ee Kenya uga hadashay Geerida Wasiirka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post