Wasiirkii Arrimaha Gudaha Kenya oo goordhaweyd geeriyooday

Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Joseph Nkaissery ayaa goordhow ku geeriyooday Isbitaalka Karen Hospital ee magaalada Nairobi.

Sawirka Wasiirkii Arimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery oo Geeriyooday

Wasiir Joseph ayaa Isbitaalka u tagay hubin caafimaad hayeeshee daqiiqado uun kadib ayuu ku geeriyooday Isbitaalka wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Joseph Nkaissery .

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Kenya ayaa xaqiijiyay in uu geeriyooday wasiirkii Arimaha Gudaha ee Dowlada Kenya  Joseph Nkaissery.

Joseph  ayaa jiray da’da 67 Sano.

Halkan ku Dhufo oo Aqriso Sida Warbaahinta Standard ee Kenya uga hadashay Geerida Wasiirka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post