Al-Shabaab oo Ajaaniib ka tirsaneyd ku Dishay Gobolka Jubbada Dhexe

Wararka naga soo gaaray  Degmada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay halkaasi ku dileen labo nin oo ajaaniib aheyd oo ka tirsaneyd kooxdaasi.

Labadaan Nin ayaa waxa ay u dhasheen dalka Hindiya waxaana ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen dhanka xiriirka caalamiga ah.

Wararka ay heleeyso PUNTLAND POST ayaa waxa ay sheegayaan in ragaan ay qorsheeynayeen in ay ku biiraan kooxda isku magacaawday qilaafada islaamka ee Daacish.

Al-Shabaab ayaa ka war helay qorshaha ragaasi u dhashay dalka Hindiya waxaana lagu soo waramayaa in Al-Shabaab ay qaarijiyeen  islamarkaasina ay ku dileen Degmada Jilib.

Dhowr jeer oo hore Al-Shabaab ayaa toogtay ajaaniib badan oo ka bar bar dagaalameeysay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post