Wararka naga soo gaaray Degmada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay halkaasi ku dileen labo nin oo ajaaniib aheyd oo ka tirsaneyd kooxdaasi.
Labadaan Nin ayaa waxa ay u dhasheen dalka Hindiya waxaana ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen dhanka xiriirka caalamiga ah.
Wararka ay heleeyso PUNTLAND POST ayaa waxa ay sheegayaan in ragaan ay qorsheeynayeen in ay ku biiraan kooxda isku magacaawday qilaafada islaamka ee Daacish.
Al-Shabaab ayaa ka war helay qorshaha ragaasi u dhashay dalka Hindiya waxaana lagu soo waramayaa in Al-Shabaab ay qaarijiyeen islamarkaasina ay ku dileen Degmada Jilib.
Dhowr jeer oo hore Al-Shabaab ayaa toogtay ajaaniib badan oo ka bar bar dagaalameeysay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post