Stockholm(Puntland Post) Wasiirkii hore Caafimaadka Puntland Dr.Saadiq Eenow ayaa sheegay in lagu deg degay heshiiska Garowe ku gaareen xalay Puntland iyo DF, kaasoo nuxurkiisa ugu weyn ay ahayd in la ogolaysiiyo Puntland hanaanka 4.5 oo lagu saleeyay aqalka hoose.
Eenow oo la hadlayay Radio Daljir ayaa sheegay saxiixa Garowe ka dhacay inuu yahay dhaawac taariikh-da galay si looga dabo tagana ay adag tahay, wuxuuna sheegay Hoggaamiyaha caqliga gaabka ah inuu dadka u hayaamiyo meesha uu doonayo halka hoggaamiyaha caqli yahanka ah uu dadkiisa u hoggaaminayo meesha uu maslaxadu taalo.
Sidoo kale heshiiska Puntland iyo DF waxaa ka hor yimi madaxwaynihii hore Cabdiraxmaan Farole iyo Cali Xaaji oo sheegay inay ka xun yihiin qaadashadeedana aan la filayn.
PUNTLAND POST

heshiiskan waa mid guul iyo horumar u ah bushalada soomaliyeed iyo puntland ba waana sababaynayaa ee ka fiirsada:-
1- in puntland loo aqoonsaday hooyadii feedaraalka, iyo dib u yagleelidda qaran swoomaliyeed
2-inay puntland ka go,an tahay soomalinimadu ee aanay ka vganacsanayn naft muwaadiniinta soomaliyeed.
3-in cadawgii soomaliyeed gabaad iyo hoy ka dhigtay muqdisho puntlandna soo shaac bixisay saldhigga cadow diimeedka iyo somali la dirirka in laga adkaan karo faragelin shisheeye la,aantiis
4- in puntland ka hortagto khayaanada Xasan Culusow oo rabay in puntland bulshada caalamku u arag tala diid dabadeedna 2 sano loo kordhiyo maamulkiisa faashilka ah waxaana markhaati u ah xasan sheekh, Shariif xasan ka koonfur ku magacaaban, Cabdikariinka cadaado lagu waardiyeyo iyo wixii la afkaar ahba waxay ka soo horjeesteen heshiiskan garowe ka dhacay.
sidaas darteed dadka caqliga u saaxiibka ah waxaan ka codsanayaa inaanay deg degin hubiyaanna masiibada somaliya dhex taal in muqdisho laga abaabulo, waxaan idiin cadaynayaa dhammaan madaxda al shabaab waxay degan yihiin muqdisho waxayna adeegsadaan dawladda, ganacsatada la tixgeliyo, iyo caruurta yar yar ee waalidkood laga xoogo.
haddaba dadka eedeynaya madaxda puntland waxaan idiin sheegayaa dawladnimo waa xukuumad iyo shacab shacabku wuxuu doortaa gole wakiilo ka ah golaha wakiilada iyo xukuumaddu waxay isku raacaan shacabku waa taageeeraa haddii wax dhaliila ah muuqdaan shacabku waa tilmaama laakiin waxaan qaadan waayey
-Siyaasiyiinta reer puntland, iyo qurbajoogta somaliyeed waxay la afkaar yihiin Madaxweyne Xasan sheekh maxamud, shariif xasan,iyo Cabdikariin guuleed oo doonaya in laba sano loo kordhiyo dawladda feedaraalka ee fashilantay.
walaalayaal si fiican uga fekera maxaa lagu taageerikaraa Xasan Sheekh Maxamuud maamulkiisa maant?
mahadsanidin