Dowlada Puntland waxa ay sheegtay inay qabatay 57 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa geysta dilalka qorsheysan iyo Qaraxyada, sidaa waxaa sheegay Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Cali Xersi (Qarjab),
Cabdi Cali Xersi (Qarjab) ayaa tilmaamay magaalooyinka Puntland in laga qabtay raggaan, islamarkaana ay ka mid ahaayeen Shabaabkii ku soo duulay Deeganada Puntland, balse raggaan loo diray Magaalooyinka gudahooda inay dilalka ka fuliyaan.
Wasiirku Waxa uu sheegay dhowr Magaalo in laga kala qabtay dadkaas hadana ay yihiin maxaabiis xiran.
“Dad badan ayaa la qabtay, tirada aan hayno ilaa hada waxa weeye 57 ruux oo Xabsiyada ku jira, dadkaan waxa ay qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan dadka inay madaxa ka toogtaan iyo inay qaraxyada dhigaan, wadada laamiga ah bey soo mareen dadkaan.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga DowladaPuntland.
Wasiirka Amniga DowladaPuntland ayaa dadka shacabka ah reer puntland wuxuu uga digay inay caawiyaan Shabaab, isaga oo sheegay qofkii la arka isaga oo caawinaya Shabaab inay isku kiis noqonayaan, wuxuuna sidoo kale digniin u diray dadka guryaha iyo Hotelada leh.
“Cida usoo hiilisa iyo cida gacan siisa ama cida la hooy ah waa la kiis Shabaab, Baabuurka qaada Shabaab waa lala wareegayaa, Guriga uu hub ku diyaarsanayay ama uu deganaa waa lala wareegayaa dadka waan u sii sheegayaa, Garaashyada biraha lagu jar jaro oo Garaashleeyda hadii garaash laga helo waa lala wareegayaa, Hoteelada dadka seexanaya hada kadib qof Hoteel seexanaya oo Damaanad aanan laheyn ma jidho” Ayuu yiri wasiir Qarjab
PUNTLAND POST