Diyaarad laga leeyahay Masar oo La Afduubay

Dayaarad ay leedahay shirkadda Egypt Air ayaa la afduubay waxaana lagu dejiyay oo loo weeciyay garoonka Larnaca ee Qubrus, Dadka saran Diyaarada oo gaaraya 50 qof waxaa ku jira dad anjabi ah, Qof rakaabka ka tirsanaa ayaa la sheegay inuu afduubay oo uu xiran yahay suun walxaha qarxa ay ku xiran yihiin. Wada xaajood ayaa socda hadda. Intooda badan dadka oo Masaari ahaa Waa la sii daayay.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Masar iyo afhayeen u hadashay shirkada diyaarada ayaa sheegtay in diyaarada wadihii waday lagu amray in diyaarada uu ka dajiyo Qubrus. Nooca diyaarada ayaa lagu sheegay Airbus A320 oo Qaahira ku wajahneyd.

Dhanka kale Warbaahinta Qaranka ee Qubrus ayaa baahisay in diyaarada laga dajiyay garoonka diyaaradaha ee Larnaca.

Wixii warar ah ee ku soo kordha waxaad kala socotaa,www. Puntland Post.com.

 

PUNTLAND POST