Maleeshiyadii Al-shabaab ee Garacad qabsatay oo saaka isaga baxay

Maleeshiyaddii ka tirsanayd Al-shabaab oo shalay qabsaday deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa saaka gebi ahaanba isaga baxay magaalada ka dib markii ay shalay kaga yimaadeen dhanka Badda.

Maleeshiyaadka oo lagu sheegay iney gaarayeen kun dagaalyahan ayaa la sheegayaa iney tageen degaan Xeebeedka Kulub oo 10-km u jira magaalada Garacad.

Dadka Deegaanka oo Puntland Post lahadlay ayaa sheegay iney arkeen doonyihii ay ku yimaadeen saaka oo ka tagay Xeebta Garacad isla markaana loo sheegay iney joogaan degaanka Kulub oo u dhow Garacad.

Dhanka kale warar qaar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo kale ay doonyo ku tageen xeebaha u dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

PUNTLAND POST