Wadamada jaamacadda Carabta oo ururka Xisbulaah-da Lubnaan u aqoonsaday Argaxiso gaamurtay

Photo:  [Nabil Mounzer/EPA]
Photo: [Nabil Mounzer/EPA]
Xubnaha ururka jaamacadda Carabta ayaa ururka Xisbulah u aqoonsaday urur argagixiso, waxaa arinkan ka soo horjeestay wadamada Lubnaan iyo Ciraaq, taas oo ka dhigaysa in xubno ka socda 20 wadan ay xisbulaah geliyeen buugooda madow.

Arintan ayaa timid Maalmo ka kor markii ururka iskaashiga khaliijka (GCC) uu si buuxda isugu raacay
in Xisbulaah lagu daro ururada argagixisada.

Ururka Xisbulaah oo ah urur shiico ah, lehna garab mileteri ayaa si buuxda u taageera Bashar Al-sadka Siiriya
waana taas tan wadamada Carabta ka xanaajisay.

PUNTLAND POST