Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ku amray safiirka Imaaraadka Danjire Ahmed Juma Al-Rumaithi in uu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah, iyada oo sidoo kale safiirka Soomaaliya ee Abu Dubai Xuseen Cabdi Xalane dib loogu yeeray wadatashi.
“Waxaa la faray Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah in ay wadatashi ugu yeerto Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan Imaaraatka Carabta, islamarkaasna Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya ku wargaliso in uu dalkiisa dib ugu laabto muddo 72 saacadood ah” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada Soomaaliya.
Go’aankan ayaaa yimid, kaddib markii maalin ka hor uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dowladda Imaaraadka ay muddo sanado ah faragelin ku haysay arrimaha gudaha iyo siyaasadda Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu yimid, iyada oo saacadihii la soo dhaafay barta X (hore loo oran jiray Twitter) ay weerar af ah isu dhaafsadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta.
PUNTLAND POST
