
Puntland ayaa beenisay digniintii Hay’adda Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) ee lagu sheegay in duufaano iyo roobab culus ay ku soo wajahan yihiin gobollo ka tirsan Puntland, gaar ahaan degmooyinka Xaafuun, Eyl, Dangoroyo, Bandarbeyla, Qardho iyo Garowe.
War-saxaafadeedka si wadajir ah uga soo baxay Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka iyo Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha & Dhulka ayaa lagu sheegay in xogtaasi aysan ahayn mid rasmi ah oo lagu go’aan qaadan karo.
“Kadib markii la sameeyay hubin rasmi ah, waxaan xaqiijinaynaa in xogtaasi aysan ahayn mid rasmi ah oo lagu go’aan qaadan karo” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed.
“Bulsho weynta reer Puntland waxaa lagu wargelinayaa in ay ka feejignaadaan faafinta xogo aan la hubin oo keeni kara cabsi iyo jahawareer bulsho” ayaa la raaciyay.

PUNTLAND POST