Digniin loo diray bulshada ku nool Xaafuun, Eyl, Dangoroyo, Bandarbeyla, Qardho iyo Garowe

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) ayaa digniin degdeg ah u dirtay bulshada ku nool gobollada Bari iyo Nugaal, gaar ahaan degmooyinka Xaafuun, Eyl, Dangoroyo, Bandarbeyla, Qardho iyo Garowe.

SoDMA ayaa sheegtay in saadaasha cimiladu muujinaydo duufaan onkod leh oo xoogan, taasoo la filayo in ay saameyn ku yeelato deegaannadan kor ku xusan laga bilaabo 12-ka Maajo ilaa 17-ka Maajo 2026.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya waxay xustay in saadaashu muujinayso roobab muhiiigaan ah, dabaylo xoogan, hillaac & onkod badan, mowjado badeed sareeya, suurtagalnimad daadad iyo carqalado ku yimaada isu socodka & kalluumeysiga gudaha badda.

SoDMA waxay kula talisay bulshada deegaannadaas ku nool in ay ka fogaadaan safarada badda iyo kalluumaysiga inta ay digniintu socoto, in laga fogaado meelaha daadadku ku badan yihiin, in caruurta & dadka nugul laga ilaaliyo meelaha halista ah iyo in ay iska ilaaliyaan geedaha dhaadheer iyo dhismayaasha daciifka ah xilliga dabaylaha xoogan dhacayaan.

PUNTLAND POST