Puntland: Talooyin ku saabsan saameyn dagaalka Bariga Dhexe

Daladaha ganacsiga ee ku mideysan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Boosaaso ku yeeshay shir wadatashi ah oo ku saabsan saameyn dagaalka Bariga Dhexe ku yeelan karo ganacsiga iyo shaqaalaha Puntland ayaa soo saaray war-saxaafadeed.

Waxay ku taliyeen in kor loo qaado wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo kalluumaysiga Puntland, si loo yareeyo ku tiirsanaanta badeecadaha ka imanaya dibada.

Sidoo kale waxay ku taliyeen in ganacsatadu ilaashaan xasilloonida qiimaha badeecadaha, si looga fogaado koror ku yimaada qiimaha oo culeys ku ah shacabka.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland waxay kaloo ku talisay in laga faa’iideysto khayraadka ku duugan dhulka, sida macdanta iyo shidaalka, si loo xoojiyo koboca dhaqaalaha iyo isku filnaanshaha dalka.

Ganacsatada Puntland ayaa loogu beeqay in ay u turaan shacabka ay saameysay abaarta iyo dhaqaale xumada, islamarkaana ay muujiyaan dareen bulsho iyo taageero.

Sidoo kale ganacsatada Puntland waxaa loo soo jeediyay in ay sameystaan kaydad cunto iyo shidaal.

PUNTLAND POST