
Waxaa saaka ilaa xilliga warkan aan daabacayno oo ah tobankii habeenimo xiran wadada halbowlaha ah ee xiriirisa magaalada dekedda leh ee Boosaaso iyo gobolada dalka Soomaaliya.
Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ayaa maanta xirtay afaafka hore ee Boosaaso, halkaasi oo weli ku xanniban yihiin boqolaal gaadiid ah oo sida rar iyo dad shacab ah.
Ciidamadan oo sheegay in ay ka soo dagaalameen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari waxay xukuumadda Puntland ka dalbadeen in ay sida ugu dhakhsaha badan u siiso xuquuqda ka maqan, si ay u banneeyaan jidka laamiga ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamadaas oo la hadlay Puntland Post.
Marar badan ayaa ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo ka cabanaya mushaar la’aan xirteen wadadada laamiga ah ee xiriirisa Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana arrintaas dhib ka soo gaartaa shacabka iyo gaadiidka ku safraya wadada.
PUNTLAND POST