
Warar ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ay duntay buundada deegaanka Sabiid iyo Caanoole oo saddex bilood ka hor xariga laga jaray, kaddib markii uu dayactir ku sameeyay Turkiga.
Buundadan ayaa maanta la sheegay in ay la duntay gaari nooca TM-ka ah oo ka mid ah kuwa xamuulka qaada, kaas oo dul marayay.
Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya gaariga oo ku sugan bartamaha buundada, xilli ay qayb ka mid ah dhismaheedu duntay, taasoo keentay in gebi ahaanba uu hakad galo isu socodkii gaadiidka iyo dadka buundadaas isticmaala.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo deegaankan hoostago ayaa weli ka hadlin burburka buundadan oo ah marin muhiim ah oo ay isticmaalaan shacabka iyo ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan.
Wasiirka arimaha Cali Xoosh, wasiirka gaashaandhigga Axmed Macallin Firqi iyo saraakiil ka socotay howlgalka AUSSOM iyo dowladda Turkiga ayaa buundadan xarigga ka jaray 6-dii Diseembar 2025.
Mashaariicda dowladda Turkiga ee koonfurta Soomaaliya ayaa la sheegaa in aan sidii loogu talagalay loo fulin, waxaana tani ku soo aadaysaa, iyadoo dhawaan guryo uu Turkiga ugu talagalay dadka deegaanka Sabiid iyo Caanoole laga dhigay jiingado.
PUNTLAND POST