
Wararka ka imanaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 askari geeriyootay, kaddib markii qarax lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan Puntland.
Qaraxa oo sida lagu soo warramayo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah, ayaa maanta ka dhacay wadada cusub ee xiriirisa magaalada Boosaaso iyo tuulada Dhaadaar ee degmada Qandala, waxayna la sheegay in ciidamada qaraxa lala beegsaday ay halkaas ka wadeen miino baaris.
Ciidanka qaraxa lala beegsaday ayaa ka mid ah ururka Dhoore ee guutada Afmeer oo ka tirsan Daraawiishta Puntland, kuwaas oo hadda hawlgalka ka dhanka ah Daacish ka wada buuraleyda Calmiskaad.
Ma ahan markii ugu horreysay oo waddooyinka qarax loogu aaso ciidanka Puntland ee ka dagaalamaya buuraleyda Calmiskaad, marar badan ayaa qaraxyo khasaare kala duwan geystay ka dhaceen waddooyinka ay isticmaalayaan.
Ciidamada Puntland ayaa muddo 15 bilood ah dagaal kula jira koox argagixisada ah ee Daacish, oo weli ku dhuumaalaysanaya meelo ka mid ah buuraleyda Calmiskaad.
PUNTLAND POST